Sunday, March 13, 2011

adeegso erayada soomaaliga ah oo iska daa erayada carabiga ah

Si aad u badbaadisid afkeena hooyo ee ah af soomaaliga, waxaad isku daydaa in aad iska ilaalisid adeegsiga erayada qalaan sida kuwa carabiga ah. Af soomaaligu wuxuu halis ugu jiraa in uu dabar go'o waayo dadkii soomaalida ayaa ka tagay adeegsida erayada af soomaaliga saxda ah oo waxay doorbideen in ay adeegsadaan erayo carabi ah. Tusaalahaan hoose fiiri: dhanka bidix waa erayo carabi ah, dhanka midigna waa erayo af soomaali ah. Waxaad iska ilaalisaa in aad adeegsato erayada dhanka bidix ku qoran oo ah erayo carabi ah si aad u baadbaadisid af soomaaliga.

Erayo carabi ah ________ Erayo soomaali ah
macluumaad   --------------- waxyaabo
wadan   --------------------- dal                                                                      
shaqsi  ---------------------- qof
xisaabi  --------------------- tiri
sanco       ------------------- farsamo
wakhtigaan   ----------------  goortaan
aasaas        ----------------- saldhig
mudaharaad   --------------- banaanbax
shacabka  ------------------ dadweynaha
awal   ---------------------- markii hore / goortii hore
luuqadda    ----------------  afka
albaabka ------------------- irridda
saacad  -------------------- goorayso
khatar  ------------------     halis
quwad   ------------------- awood
xaqiiqo   ------------------  runta
fanaan ------------------     heesaa
cilmi     ------------------    aqoon
madaraso  ----------------  dugsi
hadaf ---------------------  ujeedo
isticmaal  -----------------  adeegsi
suxufi --------------------   wariye
xoriyad   ----------------    madaxbanaani
jalhi ---------------------   aqoondarro
dariiqa  ------------------  jidka
ayaamaha   -------------    maalmaha
ka bacdi  ---------------    ka dib
xaalado ----------------    arimo
cadowga ----------------  colka
tacliin -------------------  waxbarasho
kalmad -----------------  erey
kulli --------------------  dhammaan
camal ------------------  shaqo
fahan ------------------- garasho
usbuucii ---------------- todobaadkii

No comments:

Post a Comment